Kismaayo: Qoysas dib-u-dajin loo sameeyay oo wajahaya shaqo la’aan sababtay cunno xumo

Guryo loo dhisay qoysas dib-u-dajin loo sameeyay/kaydka Ergo

(ERGO) – Boqol, konton iyo siddeed qoys oo dib-u-dajin loogu sameeyay deegaanka Luglow, markii laga raray xero ku taalla Kismaayo ayaa wajahaya xaalad nolol-xumo. Waxaa u sabab ah shaqo la’aan ku haysa halka la dajiyay.

Waxay u badan yihiin xoogsato ka xamaallan jiray magaalada Kismaayo. Waalidiinta qaarkood ayaa door-biday in ay ka dhaxaan carruurtooda si ay uga soo shaqaystaan Kismaayo oo Luglow u jirta 25 km.

Waxaa ka mid ah Khadiija Cabdullaahi Cali oo 40 jir ah. Qoyskeeda waxaa ugu danbeysay 13 bishan July ee sanadkan. Waxay dib ugu laabtay Kismaayo oo shaqada dhar-dhaqidda ay ka qabato.

Waxay sheegtay in ay cidlaysay carruurteeda oo 9 ah si ay u hesho nolol-maalmeedkooda, maaddama ay u adkaysan waysay cunno xumada iyo biyo yarida haysa.

Lacagta ay hesho oo ah $3 maalintii ayay taleefoonka ugu dirtaa saygeeda waayeel ah, kaas oo ilaaliya carruurta . Khadiijo waxay dhibaato ku qabtaa helidda shaqada oo aan joogto ahayn.

“Guri walba subaxdii wan gargaraaci. Gow gow. Yaawaye. Aniga waaye. Dhar ayaan dhaqaa walaallayaalow Ilmo yar ayaan ka soo tagay. Wax la’aan baa i wadda.  $3 ama $2 waxaan ka hello waxaan siiyaa Ilmaha oo biyaha ku gata. Ilmahaas dartood ayaan u yeelayaa.”

Haweenaydan tan bishii Febraayo ee sanadkan ayay shaqo la’aantu ku haysan Luglow oo ay deegaamaystay, balse waxay go’aansatay in ay Kismaayo ka soo shaqaysato bishan, markii dukaan ay ka qaadan jirtay raashi uu joojiyay daynta lacago lagu yeeshay awgeed.

Waxay sheegtay in ay dulsaar ku tahay qoys deggan Kismaayo oo ay soo dhawayn ku meel-gaar ah ay ka heshay, kaas oo ka caawiya meel ay jiifato habeenkii.

Maalmaha qaar lacagta ay shaqaysto oo noqota mid kooban ayay u wada dirtaa qoyskeeda si ay hal waqti dabka ugu shitaan, maaddama aysan kuwada filnayn iyada iyo qoyskeeda.

Dhibaatadan waxaa u dheer in aysan si joogta ah u booqan karin qoyskeeda. Waxay sheegtay in qiimaha lagu raaco gaadiidka u kala goosha Kismaayo iyo Luglow oo ah $8 aysan heli karin.

Khadiijo waxay sharraxaysa duruufta ku qasabtay in ay in ay dib ugu soo laabato Kismaayo, xilli qoyskeeda dib-u-dajin loogu sameeyay deegaanka Luglow ee gobolka Jubbada hoose.

“Xagga markaan u wareegnay wax la’aan. Ilmihii kabtii ka go’da waxaa lagu leyahay kab ayaan rabaa. Aniga Ilaahbaa ila og ma hayn. Biyo mahaysanin. Cunnto mahaysanin. Laba habeen waxaan arkay ilmihii oo aan cunnto la’aan aan bariisiiyey. Laba habeen  markii ay baryeen habeenkii sadexaad waxaan dhahay aniga Kismaayo ayaan iska galin.”

Qoyska haweenaydan ayaa muddo 13 sano ah ku noolaa xero lagu barakacay oo ku taalla xaafadda Dalxiis ee Kismaayo, halkaas oo ay ku haysteen aqal cooshad ah, balse ugu danbeyn waxaa laga raray billowgii sanadkan.

Ujeedda loo raray ayaa maamulka Jubbaland uu ku sheegay saxmadda dadka soo barakacay oo ku batay magaalada iyo in xal waara loo helo noloshooda. Qoyska Khadiijo waxay ka faa’iideen qorshahan guri ay milkiyaddiisa leeyihiin.

“Waa Laba qol oo dhagax iyo musqusha oo jiinkad baacwayne ah. Dhulka hortiisa oo 20 mitir ah ah qajafyadii aan watay ayaan ku dhisay. 30 mitir ee musqusha xageeda ah ayaa iga banaan oo aan dayd lahayn.”

Qoyska Khadiijo wuxuu ka soo barakacay baadiyaha degmada Jilib ee gobolka Jubbada dhexe sanadkii 2011. Abaar ku dhuftay deegaankooda ayaa ka dishay 230 ari ah.

Waxaa jira haween la mid ah Khadiijo oo fursad shaqo ka waayay Luglow, isla markaana u bareeri waayay in ay cidleeyaan carruurtooda hadii ay u shaqo doonan lahaayeen Kismaayo.

Madiina Cabdiwahaab Cabdinuur qoyskeeda oo 8 qof ah waxaa u yar wiil 3 jir ah. Carruurta  ku xigta ayaa ka yar da’da 15 sano. Waxay sheegtay in kali ku noqotay xannaanaystooda, markii ay aabbahood kala tageen labo sano ka hor.

Waxaa haysta labo-daran-mid-dooro. Awood uma halan in ay u hesho cunno ku filan, mana cidlayn karto hadii ay deegaanno kale u shaqo tagi lahayd. Waxay rajaynaysay, markii ay soo degtay Luglow in ay heli doonto shaqo nolol-maalmeedka ay ka hesho, balse uma suurto galin.

“Inta meel ay shaqo hadda taallo oo laga shaqaysanayo rag iyo dumar maba jirto. Shaqo malahan. Meel maanta aan aadi karo shaqo ka soo helayo haddii ay jirto waan aadi lahaa Qofkii aad u shaqaynlahayd isaga ayaa shaqo ku waydiinaya yaad u shaqayni markaa.”

Qoyskeeda ayaa ku tiirsan raashin iskugu jira bur, bariis iyo sonkor oo horraantii bishan ay ku iibsatay $90. Lacagtan waxaa daymiyay qof ay qaraabo yihiin. Raashinka ay ku gadatay ayay beeqaamisaa sida ay sheegtay Madiino.

“Sadex waqti oo wax la cuno ma jirti. Hal waqti ayaa subixii la hela. Wax qado ah iyo waxaasi ma jirto. Ilmaha sidaas ayaa lagu maareeya. Raashin guriga yaala oo la karinaayo malaha. Koosaar malaha. Wax lagu gadaayo ma jirto.”

Deegaanka dib-u-dajinta Loogu sameeyay ee Luglow waxay ku haystaa guri labo qol iyo musqul ka kooban. Waxay sheegtay in dhinaca hoyga uu wax wayn u taray, balse nolol-maalmeedkoodu uu cariiri ku jiro.

Qoyskeeda waxay barakaceen sanadkii 2017 deegaan hoos imaada degmada Jamaame. Waxay ahaayeen beeraley ku tiirsaa beer 5 hiktar ah. Abaaro is-xig xigay oo saameeyay ayaa keenay in ay nolol cusub ka raadsadaan tacab la’aanta beerta.

Madiino iyo qoysaska kale ee dib-u-dajinta loogu sameeyay Luglow ayaa saluugsan sida loo maareeyay mashruucii lagu soo raray. Waxay filayeen in gargaar iyo mid fursado shaqo loogu abuurayo ay helaan, kuwaas oo aan suurto galin.

Maxamed Sheekh Adan Khadar Guddoomiye ku-xigeenka hay’adda barakacayasha iyo qaxootiga Jubbaland ayaa Raadiyow Ergo u sheegay dhaqaale xumo darteed wali uusan dhameystirmin mashruuca lagu deegaameeyay qoysaska laga soo raray Kismaayo.

Wuxuu intaas ku daray in ay wadaan qorshe lagu caawinayo qoysas la qabsan la’ nolosha deegaanka oo ku cusub.

“Dowladdu waxay qorshaynaysay dadka gudaha magaalada ku jiray ee soo barakacay in xalwaara loo abuuro, maaddama Luglow ay tahay aag dowladdu ay calaamadaystay oo loogu tallagalay xalka waara in iyada dadka la dajiyo. Meeshaas oo meel haddii xalka waara hirgalo dadku ay helayaan nolol sax ah. Waa dhur beereed. Sababaha aan u dooranay waxyaabahaas baa ka mid ahaa iyo kuwa kale.”

Shaqo la’aanta ka jirta deegaanka Luglow waxaa u sababa tirada qoysaska abaaraha, fatahaadaha iyo colaadaha ka soo barakacay ee ku nool, kuwaas horay u haystay fursado kooban oo ka heleen beeraha deegaanka.

Hase ahaatee qoysas cusub ee la deegaameeyay ayaa ku qasbanaaday iyo deegaannada kale ay  ka raadiyaan fursado shaqo oo il-dhaqaale u noqon kara ama ay wajahaan nolol xumo shaqo la’aantu ay horseedday.

Xigasho: Radio Ergo

Sign up to receive awesome News content in your inbox, every day.

We don’t spam! Read our privacy policy for more info.

Leave a Reply

Your email address will not be published.